Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo dil toogasho ku fulisey laba Nin oo dilal geystay

Published: March 19, 2023
Shares144

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay Xuseen Maxamed Cabdi Nuur iyo Abaadir Isaaq Nuur oo ku kala eedeysan in ay dilal geysteen.

Fulinta Xukunka dilka ah ayaa ka dhacday Magaalada Baydhabo gaar ahaan halka loo yaqaan Cara-tuurka waxaana goobta joogay saraakiil katirsan qaybaha kala duwan ee Ciidanka.

Xuseen Maxamed Cabdi Nuur ayaa lagu soo eedeeyay in uu dilay Xaaskiisa waxa ay maxkamaddu Ciidamada Qalabka sida ku xukuntay dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuumadda uu gacantiisa nafteeda ku dhaafiyay.

Abaadir Isaaq Nuur waxaa loo cuksaday xukunka toogashada ah ee lagu riday laguna fuliyay Maanta in uu dilay Askari katirsanaa Ciidamada Booliiska sida uu sheegay Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

Horseed Media