Maxkamadda sare ee Puntland oo hakisey xubin ka tirsan Guddiga Doorashooyinka ee PEC

Published: September 11, 2023

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa hakisey xubin ka tirsan PEC, kadib markii Guddoomiyaha Xisbiga Shaqaalaha Cabdirashiid Sheekh Maxamuud uu dacwad ka gudbiyey.

Faadumo Siciid Axmed

Go’aan ka soo baxday maxkamadda sare ayaa lagu hakiyay xubinimada Faadumo Siciid Axmed oo kamid ah guddiga PEC oo ahayd xubintii la sheegay in Xisbiga Shaqaaluhu soo magacaabeen.

Magacaabista Faadumo Siciid Axmed ayaa dhalisey buuq badan, iyada oo da’deedu aysan gaarin 40 sano sida sharcigu qabo ayaa waxaa lagu eedeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland in uu fara gashtey ururka Shaqaalaha oo isagu soo magacaabtey xubintan oo ay ehel yihiin, sidaa waxaa ku eedeeyey Guddoomiyaha ururka Shaqaalaha Cabdirashiid Sh. Maxamuud

Maxkamadda ayaa sheegtay in ay soo gaartay dacwad ku saabsan in xubinnimada Faadumo Siciid aan loo marin habraacii sharciga ahaa ee magacaabista xubnaha guddiga PEC, waxaana hakinteedu soconeysaa ilaa go’aan kama danbeys ah laga gaaro.

Maxkamaddu weli go’aan kama gaarin dacwado kale oo ururada siyaasadda qaarkood u gudbiyeen, waa go’aankii u horeeyey ee siyaasadda ay ka gaarto maxkamadda Puntland.

Horseed media