Maxkamadda sare ee Puntland oo heshay codka kalsoonida golaha wakiilada

Published: November 1, 2022

Golaha wakiilada Puntland ayaa fadhigoodi maanta oo Salaasa ah ansixiyey golaha adeega sare ee maxkamadda sare ee Puntland oo Madaxweynaha Puntland magacaabey dhamaadka bishii hore.

Fadhiga waxaa soo xaadirey 54 mudane oo ka tirsan golaha wakiilada, waxaa codeyn gacantaag ah ku oggolaatey 53 Xildhibaan, waxaa ka aamusey hal xildhibaan.

Maxkamadda sare ayaa ka kooban 5 xaakim iyo laba keyd ah.

Xukuumaddii Cabdiweli Cali Gaas ayaa sanadki 2017 magacaabtey laba xubnood oo kamid noqonaya afarta xubnood ee maxkamadda dastuuriga ah, baarlamaankii hore ayaan dhamaystirin oo laga sugaayey in ay magacaabaan labada ka dhiman kadib marka lagu daro 5 xaakim ee maxkamadda sare ay noqonayaan tii dastuuriga ahayd.

Madaxweyne Deni ayaa wararku sheegayaan in uu magacaabistaas sideedi u daayey, baarlamaankana ka codsadey in ay dhankooda soo dhamaystiraan, kadibna ay ansixiyaan.

Caqabadaha ugu waaweyn ee doorashada GEEDICAANOLEH hortaagan waxaa kamid ah magacaabista maxkamadda dastuuriga ah.

Horseed media