Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo u fariisatay dacwad ka dhan ah maamulka Banaadir

Published: September 12, 2023

Maxkamadda sare ee dalka, gaar ahaan qeybteeda maamulka ayaa maanta u fariisatay dhageysiga gar maqalkii 3-aad ee dacwad lid ku ah maamulka gobalka Banaadir oo ay kala dhaxayso shirkadda Power Technology Industries, shirkaddan ayaa ka shaqeysa daabacaadda iyo xayeysiisyada.

Dacwadda oo khusaysaa heshiis ay hore u wada galeen labada dhinac oo uu ka baxay maamulka gobalka Banaadir ayey shirkadda heshiiska looga baxay kiiskeeda horgeysay garsoorka, si ay qaab sharci ah ugu muujiso cabashada ay ka qabto dhinaca kale.

Guddoomiyaha maxkamadda sare JFS mudane Bashe Yuusuf Axmed oo ay wehelinayaan garsooreyaal ka tirsan maxkamadda sare ee dalka ayaa waxay halkaas ku dhageysteen abukaateyaasha labada dhinac, waxaana garmaqalkan saddexaad fadhiyey matelayaal ka socday maamulka gobalka Banaadir oo soo ajiibay u yeerista ay horay maxkamaddu ugu dirtay.

Garmaqalka 3-aad ee dacwadda ayaa ku soo dhammaaday, iyadoo aan la gaarin wax go’aan ah oo maxkmaddu riday, waxaana loo balamay kulanka xiga.