Maydka Marxuumad Khadiijo Maxamed Diiriye oo Laga Soo Dejiyey Muqdisho

Published: December 21, 2023

Diyaarad sidda meyka Allaha u naxariistee wasiiraddii haweenka iyo arrimaha qoyska Khadiija Maxamed Diiriye ayaa hadda ka degtay garoonka diyaaradaha Adan Cabdullahi Cismaan ee magaalada Muqdisho.

Marxuumadda ayaa shalay gelinkii dambe ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Jabuuti kadib markii ay martay qalliin isla markaana aysan kasoo Kicin suuxdintii, sidaana ay ku geeriyootay.

Dowladda Soomaaliya ayaa guddi u saartay qaban qaabada aaska wasiir Khadiija, iyadoo haatan uu si toos ah u socdo.

Madaxa ugu sarreysa dowladda federaalka ayaa ka tacsiiyey geerida deg-dega ah ee ku timid wasiirkii haweenka iyo arrimaha qosyka.

Horseed Media