Midowga Afrika oo hadashay rabshadihii ka dhashay dibad baxyadii ka dhacay Kenya

Published: March 28, 2023

Midowga Afrika ayaa ku baaqday in wada hadal la sameeyo kadib mudaaharaadyadii mucaaradka ee ka dhacay Kenya oo isku bedelay rabshado ayna ku dhinteen saddex qof tan iyo todobaadkii hore.

War qoraal ah oo uu soo saaray gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ku booriyay inay dowladda iyo mucaaradka is dajiyaan oo ay wada hadal la galaan si wax looga qabto wixii khilaaf ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qaabkii ay doorashadu u dhacday sanadkii hore ay ku soo dhamaatay si guul ah, islamarkaana natiijada ay xaqiijisay maxkamada sare ee dalka.

“Gudoomiyuhu waxa uu ku celinayaa wada shaqaynta iyo garab istaaga dawlada iyo shacabka Kenya dadaalka ay ugu jiraan ka shaqaynta midnimada qaranka, nabadda iyo xasiloonida dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Hogaamiyaha mucaaradka Odinga ayaa ku baaqay dibad baxyo ka dhan ah sare u kaca qiimaha maciishadda iyo caddaalad darro ay mucaaradku ka tabanayaan doorashadii dhacday sanadkii hore.

Horseed Media