Midowga Yurub oo cunaqabateyn kusoo rogay xubno iyo hay’ado kasoo jeeda Israa’iil

Published: July 16, 2024

Midowga Yurub ayaa Isniintii ku dhawaaqay cunaqabatayn ka dhan ah shan qof oo Israa’iili ah iyo saddex hay’adood, iyaga oo ku sifeeyay inay mas’uul ka yihiin “xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah” oo ka dhan ah Falastiiniyiinta Daanta Galbeed iyo Bariga magaalada Quddus.

Liiska waxaa ka mid ahaa kooxda Tzav 9, oo kamid ah kuwa sida joogtada ah u xannibay baabuurta gargaarka bini’aadantinimo ee raashinka, biyaha iyo shidaalka geyn jiray marinka Qasa.

Waxa kale oo liiska ku jira ninka lagu magacaabo Ben-Zion Gopstein, aasaasaha iyo hoggaamiyaha ururka Lehava, iyo Isaschar Manne, oo Midowga Yurub ku tilmaameen inuu yahay aasaasaha qaar kamid ah kooxaha boobka ku haya dhulka Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed oo ay Israa’iil haysato.

Cunaqabataynta Midowga Yurub, ee hoos timaada Nidaamka Cunaqabataynta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha ee EU, waxaa ka mid ah xannibaadda hantida iyo xayiraadda safarka ee dalalka Midowga Yurub.

Horseed Media