Militeriga Israa’iil oo duqeymo ka geysatay marinka Qaza

Published: February 23, 2023

Ciidamada Israa’iil ayaa maanta duqeymo ka geysatay marinka Qaza kadib markii gantaallo laga soo tuuray dhulka ay Falastiiniyiinta maamuulaan.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay soo rideen shan ka mid ah gantaallada halka kuw kalena ay ku dhaceen dhul bannaan.

Weerarradan ayaa daba socda howlgal dad badan lagu dilay oo Israa’iil ay ka fulisay dhulka la heysto ee Daanta galbeed Arbacadii.

Qaraxyo iyo rasaas ayaa laga maqlayay magaalada Nablus Arbacadii xilli ciidamada Israa’iil ay isku dayayeen inay xoog ku galaan magaalada, waxayna dagaal la galeen koox Falastiiniyiin ahaa oo hubeysnaa.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay khasaaraha faraha badan ee ka dhashay weerarada.

Horseed Media