Milxo: Waxaa soo afjarmey rajadii lagu badbaadin lahaa wiilkii godku ku dumay

Published: October 8, 2022

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ehelka wiil uu ku dumey god laga qodo macdanta oo ku yaala deegaanka Milxo ee buuraha Calmadow, kadib markii la xaqiijiyey geeridiisa.

Wiilka oo lagu magacaabo Maxamed Siciid Cali ayaa maalintii shalay la xaqiijiyey inuu nool yahay madaama codkiisa la maqlayo. Soo badbaadinta ayaa socotey in ku dhaw 36 saacadood oo xiriir ah, laakiin awoodda dadka ayaa intaas gaarsiisneyd, iyo godka oo aan u samaysneyn hab uu ku heli karo hawo.

Waa dhacdadi kowaad ee ka dhacda Puntland oo nooceeda oo kale ah, marka laeego awooda la haysto ayeysan u suurta gelin in la soo badbaadiyo.

Deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag waxaa si weyn looga qotaa macdanta gaar ahaan dahabka, waxaa goobo ku dhaw jooga malayshiyaad ka tirsan kooxda al-Shabaab.

Horseed media