Mudug – Xoolo dhaqato la rasaaseeyay

Published: December 12, 2019

Maleeshiyaad hubeysan ayaa  xalay dad shacab ah waxaa ay ku dileen duleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay tuula Qorax ee Galbeedka magaalada Gaalkacyo , waxaana la sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen  dad xoolo dhaqatada deegaankaas.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in maleeshiyaadka hubeysan ay dadkan ugu tegeen hooygooda, kadibna waxaa la sheegay in ay rasaas ku fureen dadka shacabka ah.

Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku geeriyootay, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, waxana la sheegay in arrintaan ay salka ku heyso aanooyin qabiil

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *