Muhaajiriin ku dhintay doon ku degtay xeebaha dalka Tunisia

Published: March 26, 2023
Shares4

Ugu yaraan 19 oo muhaajiriin ah oo ka soo jeeda dalalka saxaraha ka hooseeya ee Afrika ayaa dhintay kadib markii ay doontii ay kaga gudbi lahaayeen badda Mediterranean-ka kuna gaaraan Talyaaniga ay ku degtay xeebaha Tunisia.

Afartii cisho ee la soo dhaafay, shan doon ayaa ku qarraqmay xeebta koonfur kaga began magaalada Sfax, waxaana la la’yahay 67 qof, halka ay sagal qof ku dhinteen, iyadoo ay aad u kordhayaan doomaha u socda dhinaca Talyaaniga.

Ciidamada ilaalada badda Tunisia ayaa shan qof kasoo badbaadiyay doon ay la socdeen xeebta magaalada Mahdia, sida uu Reuters u sheegay Romadan ben Omar oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda FTDES.

Ciidamada Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa Khamiistii sheegay in ay laba howlgal oo ay ka fuliyeen xeebaha koonfureed ee Talyaaniga ay ku soo badbaadiyeen 750 muhaajiriin ah

Horseed Media