Muhimadda nabaddu leedahay

Published: September 21, 2023
Axmed H. Suleiman, ayaa qorey maqaalkan

Horudhac

Nabaddu waa xaalad xasillooni iyo wada noolaansho ah taas oo rabitaankeeda nooluhu kawada simanyahay, waa mabda’ aasaas u ah jiritaanka aadamaha, waana tiir-dhexaadka horumarka bulsho kasta.

Taariikhda bini’aadmiga waxa ku xusan in khilaaf ka iyo colaaddu soo jirtay ilaa iyo ilma nabi Aadam, oo asaaskii nolosha lasoo bilaabatay. Laga soo bilaabo khilaaf-kii Qaabiil iyo Haabiil oo kamid ahaa ubadkii nabi-Aadam (C.S), kaasoo keenay in Qaabiil uu dilo walaalkiis Haabiil. khilaafaad-ka iyo hardanka ka dhasha kala aragti duwanaanta shaqsiyaadka iyo ummadahu wuxuu ahaa mid sii kordhaya waqtiba xilliga ka dammeeya.


Waxaa jira waxyaabo badan oo sabab u ah kororka khilaafaadka iyo colaadaha u dhexeeya bini’aadamka waxaana kamid ah tirada dadka oo sii kordhaysa, sinaan la’aanta bulshooyin ka, isxulafaysiga ku dhisan qabiilka, diimaha, is gaanshaan buuraysiga kusalaysan danta gaarka ah, aragtiyaha isdiidan ee ummadaha, tabashooyinka taariikhda ku xusan ee colaadihi jiilashi hore, isticmaalka maan dooriyaha, la’aanta nidaam dowladeed oo xooggan, soosaarka agabka colaadaha loo a deegsado oo sii badanaya, faragalinta dibadda ee dalalku isku sameynayaa, khayraadka Eebbe ugu deeqay bini’aadamka si ay ugu noolaadaan oo sii yaraanaya markii bini’aadamku u isticmaali waayey sidii saxda ahayd oo ay ku takri faleen tani waxay keenaysaa in lagu xifaaltamo khayraadka siiyaraanaya sida biyaha, shidaalka, macdanta iyo meelaha waxsoosaarka leh ee dhulka iyo badda.
Intaas waxa u sii dheer dunida la gumaystay ee inagu ka midka nahay in lakala qaybshay oo loo sameeyey xadad kuwaas oo maanta qayb weyn kanoqday asbaabaha colaadaha dalalkii horay loosoo gumaystay.

Arrimahaan oo laysu geeyey waxay kalliftay in colaado iyo dagaalo joogta ah oo bina’aadamku la kulmaan taas oo ka dhigtay raadinta nabadda waxa ugu muhiimsan ee ay aadanuhu maanta wada doonayaan inay helaan.

Markii laga yimaado fahamkaas guud ee khilaafka iyo muhiimadda nabadda, qormadaan waxaynu ku eegi doonaa muhiimada dhinacyada badan leh ee nabaddu inoo leedahay.

Soomalida iyo Nabadda

In kasta oo taariikh facweyn oo qoraal ah aysan jirin dadkeenna wax qora oo aan aad u badnayn iyo madxafyo ama kaydad taariikheed oo waaweyn oo aynu wali ku guuleysan inaynu yagleelno oo aynu horumarinno si faca dambe u helaan tariikh cilmiyeysan oo qoraal ah. Haddana sida taariikhda lagu hayo Soomaalidu waxay ahayd bulsho colaaduhu ku badanyihiin, tusaale ahaan shantii boqol ee sanno ee u dambaysatay haddaynu eegno taasoo ku aaddan qarnigii 16’aad ee xilliyadii halgamaa Axmed Gurey ilaa qarnigan 21’aad colaadaha kadhacayey carrada Soomaalidu waxay ahaayeen kuwo isku xigxigay.

Colaadahaas oo isugu jiray kuwo diimeed, gumaysi ladirir, loolan xukun, iyo kuwo qabiileed oo bulshadu u dagaalamaysay qaab reero ku salaysan. Waxay bulshadeenna dhaxal siisay cawaaqib aynu qormo iyo labo toona lagu soo koobin karin kuwaas oo bulshadeennu faham fiican ka haysato maadaama qoys walba oo Soomaaliyeed kuu dhibane u yahay colaadahaas.

Colaadaha jiilasha badan soo jiray waxay keentay inaynu noqonno bulsho leh dhaqan colaadeed tusaalooyinka ugu sahlan waa barbaarinta ilmaha haddii waarid rabo inuu ilmihiisa oo cunto diidaya ku dhiirigaliyo inuu cuntada cuno waxaa macquula amaba ay ubadantahay inuu kudhaho ilmaha yar “war cuntada cun aad asaagaa iska dhicisidee ama ka adkaatidee” tan oo muujinaysa in ilmahaas yar lagu barbaarinayo xifaaltan iyo wax iska dhicis.

Dhanka murtida markaynu eegno waxaad ku arkaysaa waxyaabo badan oo mujinaya inaynu nahay bulsho u nool qaab colaadeed tusaale Nimaan aargoosan aabbe ma dhalin, Nin aan shantaadu kaa reebin sharci kaama reebo, Miskiin baa misko lafuulo leh, Codowgaa looma taaho iwm. Dhinaca bariidinta/salaamaha Reerku nabad ma kusoo galay, Nabad malagu waa bariistay, Nabad malasheegay, Nabadi majirtaa? Iwm. Waa tusaalayaal ana tusinaya muhiimadda nabaddu inoo leedahay si’aynu uhelno bulsho uqaabaysan isu dhibrrin, u hoggaasan sharci, kala dammayn iyo wada noolaansho bulsho.

Sannadkii 1981 dii ayey Qaramadda Midoobey (UN-ku) u asteeyeen in sannad walba 21 ka bisha 9’aad la xuso maalinta nabadda aduunka iyada oo u jeedka laga leeyahay aytahay in dadka loo sheego muhiimadda nabaddu leedahay, dadka lagu wacyi galiyo inay kawada shaqeeyaan xalinta xasradaha iyo ilaalinta nabadda iyo wada noolaanshaha.

Tani waxay caddaynaysaa muhiimadda nabaddu u leedanahay aadanaha, waxaase biyo kama dhibcaan ah inay bulshada Soomaaliyeed garowsato inaynu u oomannahay nabad oo aynu kamid nahay bulshooyin ka baahida ugu badan uqaba dunida inay nabad helaan.

Sida Qaramada Midoobay ku qeexday nabaddu ma ahan kaliya maqnaanshaha dagaalka balse nabaddu waa ilaalinta sharafta iyo badqabka aadanaha. Waxayna leedahay oo loo qaybiyaa qaybo badan aragtidayda noocada nabadda aynu maanta baahida gaarka ah u qabno waxaa kamid ah.
Nabadda Shakhsiga: waxaa loola jeedaa in qofku gudaha ka dareemo nabad sida inu qofku dareemo deganaansho, qanacsanaan, iyo badqab. Oo uu san ka fakarin amaa naftaada, qoys kaaga ama maalkaaga waxla yeelaan ama dhibloogaystaa iwm, runtii nabadda cayn kan ahi waa midda 1’aad ee aynu u baahannahay maanta si qof walba oo anaga mid ahi u dareemo badqab.

Nabadda Gudaha: Tani waa nabadda dalka sida xallinta khilaafaadka gudaha, ilaalinta xasilloonida siyaasadeed, dhaqan dhaqaale iyo xaqiijinta wada jirka bulshada ku nool deegaan gaar ah, gobol ama dal. Nabaddaan aad ayeynu ugu baahannahay si’aynu u helno dal xasilloon lagu noolaan karo, la maal gashankaro, ay ka jirto kala damayn iyo nidaam dowladdeed oo awood leh.

Nabadda Dibadda: Nabaddan waxaa loola jeedaa helidda xiriir nabadeed oo u dhexeeya dalal ama gobollo kala duwan. Sida wada lahaanshaha diblomaasiyad iyo iskaashi caalami ah oo ku dhisan nabad iyo waxwada qabsi. Tani waxay asaas utahay inaynu dunida layeelanayno iskaashi wanaagsan maadaama isgarabaysigu uu asaas uyahay horumarka.

Qodobadan saddexda ahi waxay isugu xiranyihiin siday u kala sareeyaan, waana arrin u baahan in fikir iyo siyaasad fog aynu ka yeelanno si aynu u helno badqab shakhsi, wada noolaansho iyo iskaashi bulsho.

Muhiidadda Nabaddu Inoo Leedahay

Rabshad la’aantu waa sharciga ugu sarreeya nolosha. Dadka oo dhammi waxay xaq u leeyihiin in ay helaan nabadgelyo heer qaran iyo mid caalammi ah. Waxaa ka dhexeeya xiriir aad u xooggan xuquuqda aadanaha ee caalammiga ah iyo nabadda sababtoo ah marka ay timaado nabad la’aan waxay horseedaysaa in ay dhacaan xad gudubyo badan oo xuquuqda aadanaha ka dhan ah.
Sidaas darteed nabaddu waxay asaas u tahay baraaraha iyo badqab-ka aadanaha. ummaddeenna nabaddu waxay uleedahay muhiimad khaasa maadaama colaadaha daba dheeraaday ay bulshadeenna dhankasta ka halakeeyeen, oo ay ku noqdeen wax aan dhammaad lahayn, sidaas awgeed muhiimadaha nabaddu inoo leedahay waxaa kamid ah.

Badqab ka qofka: Nabaddu waxay ilaalisaa badqab-ka qofka sida inay yaraato heer ka qofku kula kulmin karo dil, dhac, kufsi iwm. waxay asaas u tahay badqabka caafimaadka jirka iyo maskaxda qofka, waxay yareysaa heerarka welwelka, walbahaarka iyo rabshadaha qofku la kulmi karo noloshiisa, taas oo kor u qaata badqab-ka jir iyo maskaxeed ee qofka.

Tusaale ahaa Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku qiyaasay in ku dhawaad hal (1) ka mid ah shantii (5) qof ee ku nool aagagga ay colaaduhu saameeyeen ay la kulmaan cillad maskaxeed oo caadi ah, sida niyad-jab ama walaac. Intaa waxaa dheer, kudhicidda xanuunka dhimirka oo aad u sarreeya dadka kunool dalalka colaaduhu ka jiraan, marka loo eego meelaha aan colaaddu ka jirin. sidaas awgeed baa badqab-ka bulshadeenu waxay ku xirantahay inaynu helno nabad waarta.

Isdhexgalka Bulshada iyo Dhaqaalaha: Bulsho waa koox dad ah oo wax wadaag ah kuwaas oo wadaagi kara dhaqan, diin, af, isir ama deegaan. Dabcan dadka intaas wada wadaaga ama qayb ka mid ah wadaaga waxa cad in isdhexgal bulsho imanayo. bal isweydii oo suurayso dad wadaaga dhammaan intaan sare sida Soomaalida haddii colaadi dhexmarto, qiyaas intee in le’eg ayey noloshu adkaanaysaa?

Nabaddu waxay kor u qaataa isdhexgalka, dareenka midnimada iyo wadajirka bulshada. Bulshooyinka nabdoon ee aysan colaaduhu dhex oollin dadku waxay iska kaashadaan dhammaan qaybaha nolosha sida amniga, ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, iyo ka wada shaqeynta xallinta mashaakilaadka guud, taasina waxay horseed u noqotaa in kalsooni, iyo iskaashi xoog badan bulshooyinkaas dhexmaro.

Xiligaan aynu noolnahay aad ayey muhiim u tahay isdhexgalka bulshooyinku, hal qoys hormar weyn ma samayn karaan lakiin waxa xadaaradda iyo fursadaha bulshadu u baahan yihiin keenaya waa bulshooyin kala duwan in lahelo qof walbana leeyahay hal abuurkiisa iyo khibraddiisa u goonida ah kuwaas oo kuwada nool amni iyo kala damayn.

Nabaddu marka ay keento isdhexgal bulsho waxaa imanaya horumar dhaqaale. Bulshooyinka nabadda ku nool ee dalal koodu xasiloon yihiin waxaa ka jira deegaanadooda ganacsi xooggan, maadaama dadka deeggaanka iyo dadkale oo ka yimi deegaano kale ba ay ku dhiirranayaan in ay maalgashi ku samaystaan deeggaan kaas xasilloon ee nabaddu kajirto, tani waxay kobcinaysaa kaabayaasha dhaqaalaha, waxay fursado u samaynaysaa dad badan oo u badan kuwa dalkaas ama deeggaan kaas ku nool.

Xasiloonida Siyaasadda: Xasiloonida siyaasaddu waa xaalad dowladda ama nidaamka siyaasadeed ee meel ka jira uu u shaqaynayo si habsami leh oo waxtar ah taas oo aan lahayn carqalad iyo isku dhacyo joogto ah.

Bilaayiin dad ah ayaa kunool dalal iyo deegaanno ay ka jiraan xasilooni darro siyaasadeed kuwaas oo in badan oo ka mid ahi markay nabad waayeen ay dhibanaal u yihiin dhibaatooyin ka ka taagan deegaanadooda, inagu Soomaali ahaan waxaynu nahay kuwo qaati ka jooga, dhibanayaal na u ah xasillooni darrada siyaasadeed ee dalka kataagan in kabadan sodon sano, taas oo dadkeeni kadhigta wax haajiray oo dalka ka baxay iyo kuwo maalin kasta kuwaa bariisanaya war aan farxad galinayn taas oo ay sabab u tahay siyaasad xumadda dalka daashatay.

Nabaddu waxay muhiim u tahay xasilloonida siyaasadeed ee bulsho kasta. Waddamada nabadda ah dawladuhu waxay si huffan uga shaqeeyaan siyaasadda horumarineed ee bulshada, dadkooduna waxay ku naaloodaan adeegyo bulsho oo tiro iyo tayabaleh, kuwaas oo ay kuhelaan si bilaash ah. Lakiin taasi kama dhacdo dalalka colaaduhu ka jiraan ee siyaasaddoodu aysan xasilloonayn taas oo ay sababayso dhibaatooyinka tiro beelka ah ee ka hor imanaya dowladda sida dhaqaala xumidda, faragalinta, colaadaha soo noqo-noqonaya iyo siyaasaddaha aan fadhiyin ee danaysiga iyo isbed-bedelka badan.

Nabaddu waxay bulshooyinka u horseeddaa xasillooni siyaasadeed iyo in bulshooyin dhexdooda is aaminaan, tani waxay lagama maarmaan u tahay in dadweynuhu rajjo wanaagsan ka yeeshaan dalkooda, qaybna kanoqdaan siyaasadda iyo arrimaha kale ee dalka, taas oo lagama maarmaan u ah dimuqraadiyadda iyo dawlad wanaagga.

Horumarka Waxbarshada: Helitaanka waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah oo bini’aadmigu leeyahiin una baahanyihiin, Nabaddu waa furaha helitaanka xuquuqdaas aasaasiga ah ee dadku uwada baahanyihiin, markii colaadi timaato oo nabad lawaayo waxaa si dabiici ah meesha uga baxaya xaquuqdi ahayd helidda waxbarasho tayo leh. Sidaas darteed nabaddu waxay lama huraan u tahay helidda waxbarashada iyo horumarkeeda.

Tusaale fiican waxaa inoo ah sodomeeyo sano kahor siday ahayd waxbarashadeenu tayo ahaan xilliyaddii nabadda iyo sida ay tahay maanta oo colaado laga soo kabanayo, meelaha qaarna ay wali dhibaatooyin ka jiraan.

Haddaba, iyada oo aynu isla fahamnay in waxbarshada iyo nabaddu isku xiranyihiin iyo in ilma walba uu xaq uleeyahay inuu waxbarto, bulsha walbana mustaqbal kooda ku xiranyahay sida ay wax u baraan oo ay udhisaan da’yartooda soo baxaysa, ayey hay’adda Horumarinta Waxbarashada Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF) sheegaysaa in dalkeenna Soomaaliya in ka badan saddex milyan oo carruur ah aysan helin waxbarasho. Sababo ay kusheegtay waalidiinta oo aan awoodin in ay bixiyaan kharash waxbarashada ee caruurtooda, masaafada dheer ee dugsiyada qaar, welwelka badbaadada ilmaha, caadooyinka bulshadooyinka qaar ee ku aaddan waxbarashada, iyo macalimiin la’aan meelaha qaar ka jirta sida dhulka ka fog magaalooyinka.

Dhibaatooyin kan kor ku xusan inta ugu badan waxaa gundhig u ah nabad la’aan, taas baddel keeda haddii aynu kawada shaqayno nabadda, waxaa fursad waxbarasho helaya dhammaan ubadka Soomaaliyeed, waxaa tayyo fiican yeelanaya goobaha waxbarashada taas oo micnaheedu yahay in aynu helayno xirfadlayaal tiro badan oo awood u leh in ay dalka, diinta iyo dalkaba horumariyaan.

Gunaanad

Nabaddu waa asaas lagama maarmaan u ah samaha iyo horumarka qof ahaaneed, bulsho iyo ummadba. Waa udub dhexaad iyo baahi yar iyo weyn, qani iyo faqiir, muslim iyo gaal ba ay isku si ugu baahan yihiin. Sidii aynu horay u soo sheegnay nabaddu waa astaanta wadajirka, wada noolaanshaha iyo horumarka.

Dhanka kale nabaddu waxa ay abuurtaa jawi ay dadku ugu wada noolan karaan si wada jir ah, waxay keentaa in dadku ay dareemaan xasillooni, kalsooni iyo aaminaad. Waxay dadka ka caawisaa in ay yeeshaan hiigsiyo nololeed kuwaas oo mustaqbalka dadku ku barwaaqoobi karaan. waxay dhiirigalisaa horumarka bulshada dhan dhaqaale, dhaqan, waxbarsho, caafimaad, amni iyo deegaan. waa gogosha helidda xuquuqul insaanka, dimuqraadiyadda, dowlad wanaagga, caddaaladda iyo iskaashiga diblomaasiyadda.

Sanadahaan dame waxaa jira dhibaatooyin waaweyn oo haysta dunida sida khilaafaadka soo noq-noqonaya, isbeddelka cimilada, Amini darrada, saboolnimada, masiibooyinka dabiiciga ah iyo dhaqaale xumada sii kordhaysa. Hadaba sida muuqata dunidu waxay ku khasbantahay inay iska kaashadaan dhibaatooyinkaan, si dhibaatooyinkan loo xalliyona waxaa muhiim ah inla helo marka hore nabad lagu wada shaqayn karo, tani waxay xoojinaysaa in nabaddu tahay waxa kowaad ee aynu u baahanahay si aynu uga fakarno iskaashi aynu la yeelanno dunida inteeda kale.

Soomaalideenna, nabbadu waa baahideena kowaad waana in aynu yar iyo weynba xil khaasa iska saarno siddii aynu ku helli lahayn nabad gelyo gaarta dalka oo dhan. Waa inaynu wada garowsanno muhiimadda ay inoo wada leedahay Soomaaliya oo gees ka gees wada nabdoon. Haddii aynu sii ahaanno hadda sida aynu nahay waxaynu wajahaynna khadar weyn oo saamayn kuyeelan karta ummadnimadeenna.

Bulsho ahaan waxaa nasiib darro inoogu filan in dadka dunidu ay fahmi la’yihiin waxaynu isku dilayno in kabadan 30 sano inaga oo ah dad muslim ah oo dhiigooda lakala xarrimay.

Markaad tiraahdo Soomaalidu waa dad walaalo wada ah dhiig, diin, dal, af iyo dhaqan wadaag ah haddana aynu nus qarni ku dhowaad islaynayno runtii ma’ahan wax isqabsanaya, waana mid kamid ah sababaha aynu khilaadkeenna sharraxaad badan uga bixin karin. Dad marna walaalo iscaawinaya ah marna is xasuuqaya.

Ugu damayntii, Ilaahay wuxuu inoogu sheegay quraankiisa kariimka ah in “qofkii qof dila uu lamid yahay inuu dadka oo dhan dilay, qofkii qof noo leeyanahay uu la mid yahay inuu dadka oo dhan nooleeyey”. haddaba qabiilka, kooxda, iyo dad ka kaloo dhan meel iska dhig, qofkasta xisaabtiisu waa u goonni noqo qof nooleeye ah oo ka shaqeeya nabadda, iyo horumarka ummadda.