Muqdisho: Gabadh 5 Jir ah oo lagu kufsaday degmada Kaaraan

Published: September 20, 2020

Gabadh shan sanno jir ah oo lagu magacaabay Samiira Yuusuf Maxamed ayaa lagu kufsaday degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, sida uu xaqiijiyey aabihii dhalay gabadhaas.

Aabaha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay gabadhiisa inuu kufsaday nin xaafada la deganaa, markii falkaasi dhacayna uu ka baxsaday goobta, wuxuu sheegay in gabadha la geeyey cisbitaalka Digfeer baaritaan kadib la xaqiijiye kufsiga.

Dowlada Federaalka iyo laamaha amaanka ayuu ka codsaday inay gabadhiisa Samiira Yuusuf Maxamed ee shan jirka ah ay u raadiyaan cadaalad, sharcigana la horkeeno shaqsigii falkaas ka dambeeyey.

Waa kiiskii labaad oo caruur ah oo muddo kooban gudahood ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana ka horeeyey kiiskii Allaha U Naxariistee  Xamdi Maxamed Faarax oo kufsi iyo dil loogu geystay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *