Muqdisho: Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka oo loo magacaabay Axmed Ciise Guutaale

Published: February 9, 2023

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale, kadib kulankii Golaha Wasiirrada ee toddobaadlaha oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre.

Hanti-dhowrka cusub ayaa aqoon durugsan u leh arrimaha sharciga, waxuuna horay u soo noqday Lataliyaha arrimaha sharciga ee Madaxweynaha JFS iyo Lataliye Ra’iisul Wasaare, isagoo ka soo shaqeeyey shirkado iyo Hay’ado warbaahineed oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo dalka laga leeyahay.

Dhanka kale, Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedyada kala ah; Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada, Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta oo ay soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyadda iyo sidoo kale Siyaasadda Maareynta Deegaanka oo Golaha ay horkeentay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada.

Horseed Media