Muqdisho oo laga xusey maalinta xorriyadda ee 26 Juun

Published: June 26, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu xusaayey 63 sano guuradii ka soo wareegtey maalintii Soomaaliya ka xorowdey gumeystihii Ingriiska. Xasan Sheekh ayaa khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa xusay qiimaha taariikhiga ah ee ay ka tarjumeyso maalintan oo ku suntan midnimo iyo Soomaalinimo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muuqato dhibaatooyinka ay soo mareen dadka Soomaaliyeed iyo dhaawacyada gaaray midnimada, balse jiilasha maanta iyo barri ay hortaallo sidii ay uga dhabeyn lahaayeen riyada ku aaddan Soomaaliya xasilloon, heshiis ah, dadkeeduna ay ku mideysan yihiin, taas oo u baahan isu dhibrin iyo isu tanaasul.

“Dadka Soomaaliyeed waa in ay ka fakaraan boqol sano kaddib xornimada, Soomaaliya noocee ah ayaan u dabbaal dagi doonnaa?!. Soomaaliya qurxoon oo deggan oo ay na mahadiyaan kuwa u dabbaal degi doona ayaa la rabaa in aynu hirgelinno. Dadka waxa isku haynaya oo aan kala geynayn ayaa na hurran”.

Xuska 26 Juun ayaa sidoo kale laga xusey magaalada Hargeysa ee maamulka goonida u istaagey, alkaas oo ahayd meeshii u horeysey ee calan Soomaaliyeed laga taagey.

Horseed Media