Muqdisho: Qarax lagu weraray Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

Published: January 22, 2023
Shares2

Jugta qarax xoogan ayaa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Qaraxa la sheegay in lagu weraray Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaaaha qarxa, kaas oo lagu dhuftay darbiga dambe ee Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Qaraxa kadib waxaa xigay rasaas xoogan oo la maqlay, wararka qaar ayaa sheegaya in rag hubeysan ay gudaha u galeen Xarunta Maamulka gobolka Banaadir.

Horseed Media