Muqdisho: Sarkaal katirsan Hay’adda NISA oo lagu weeraray hoygiisa

Published: March 12, 2023

Weerar ku bilowday qaraxyo miino ayaa aroornimadii hore ee saaka lagu qaaday Guri uu degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ka deganaa Taliyaha ciidamada Nabadsugida degmadaas Cabdiraxman Cali Waqooyi (Seedi Xume).

Jugta qaraxyada laga maqlay qeybo badan oo ka tirsan degmadaas iyo xaafadaha degmooyinka ku dhow Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxyada uu dhaawac fudud kasoo gaaray Taliyaha Nabadsugida Deyniile Cabdiraxman Cali Waqooyi (Seedi Xume) iyo askar kale.

Ciidamada ammaanka oo gaaray goobta uu weerarka qaraxyada ah ka dhacay ayaa baaritaano ka wada halkaasi, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda.

Horseed Media