Muqdisho: Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo is-casilay

Published: February 23, 2023
Shares2

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) ayaa is-casilay, sida uu ku sheegay bayaan uu soo gaaray goor dambe oo xalay ah.

Wasiir Caana-nuug ayaa is casilay ka dib khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay isaga iyo Wasiirka Wasaaradaasi Fardowso Cusmaan Cigaal.

Caana-nuug ayaa warqad qoraal ah uu u qoray Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayuu ku sheegay in khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Wasiirka uu salka ku hayo habka loo bixiyo qandaraasyada garoonka diyaaradaha Caalimiga ee Aadan Cadde, kaas oo ku yaal Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

“Mudane Ra’isul Wasaare, tan iyo markii aan la wareegay xilka wasaaradda, waxaa si joogta ah iigu imaan jiray shaqaale iyo qanderaasleyaal dacwo ka ah wasiirka wasaaradda, kuwaas oo ku eedeeyay inay ku takrifal awoodeed iyo baal-maris sharci” ayuu ku yiri warqadda is-casilaadda ee uu u diray Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Sidoo kale waxa uu intaas raaciyay “Haddaba markii aan arkay in si joogto ah shaqaale waajibaadoodka gudanaya ay u ceyrisay, si ay ugu bedesho dad aan ku habbooneyn laguna soo xushay dano gaar ah. Kaddib markii ay i soo gaartay cabashooyin joogto ah, oo shirkado iyo qanderaasleyaal bixiya adeegga garoonka Aadan Caddey, oo heysta ruqasado shaqci ah oo soo maray habraaca sharci ee dalka, kuwa wasaaradda u deggan iyo wax ka qabasha la’aanta Ra’isul Wasaaraha dhammaan eedaha kor ku xusan, waxaan go’aansay in maanta laga billaabo aan caddeynayo inaan iska casilay xilkii Wasiir-dowlaha wasaaradda Gaadiid iyo duulista Hawada”

Horseed Media