Muqdisho: Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga La Dagaalanka Argagixisada

Published: March 8, 2023
Shares2

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ansixiyay Sharciga La Dagaalanka Argagixisada oo tan iyo dawladdii madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf xiliyo kala duwan la horkeenay Barlamaanka Soomaaliya, balse lagu guuldaraystay in la meel mariyo.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamad Nuur Madoobe oo gudoomiyanay shirkii maanta ayaa sheegay in 133 xildhibaan ay gacan taag ugu codeeyeen sharciga, halka seddex xildhibaan ay diideen, todobbo kalena ay ka aamuseen.

Sharciga ayaa u gudbi doona Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka oo isna dood ka yeelan doona, haddii uu ansixiyaan waxa uu u gudbi doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka dhowrista xogta, waxaana ogolaatay 143-xildhibaan oo ka dhigay dhamaan mudanayaashii maanta soo xaadiray kulanka.

Horseed Media