Museveni oo shaaca ka qaadey tirada ciidamada Uganda ee looga diley Buula-mareer.

Published: June 4, 2023
Shares30

Madaxweynaha dalka Uganda, Yuweri Museveni ayaa shaaca ka qaadey in 54 askari looga dilay weerarkii Al-Shaaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin degmada Buula-mareer oo 130-km Koonfur-galbeed kaga beegan Muqdisho. Al-Shabaab waxay sheegeen weerarkasi oo dhacay 26 Maajo 2023 inay ku dileen 137 askari.

War saxaafadeedka ka soo baxay Musaveni ayaa imaanaya todobaad kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Hadalka Musaveni oo Sabtidii soo baxay ayaa imaanaya todobaad kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga degmada Buula-mareer oo 130-km Koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Museveni ayaa Sabtidii sheegay in Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) ay tan iyo markii ay dib ula wareegeen Saldhigga Ururka Al-Shabaab.

“Askarteenu waxay muujiyeen adkeysi cajiib ah waxayna dib isu habeeyeen, taasoo keentay in dib loo qabsado saldhigga Talaadadii,” ayuu yiri madaxweynaha.

Musaveni ayaa todobaadkii hore sheegay inay jiraan khasaarooyin kasoo gaaray ciidamada Uganda, balse ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan weerarka lagu dilay ciidamadaasi, ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Al-shabaab ayaa tan iyo sannadkii 2006-dii u dagaalamaysay sidii ay dowladda Soomaaliya ee ay reer galbeedku taageero ugu badali lahaayeen xukun u gaar ah oo ku salaysan tafsiir adag oo iyaga u gaar ah.

Bishii August ee ina dhaaftay ayay ahayd markii uu bilowday duulaan xoogan oo ay dowladu wado kadib markii uu ku guuleestay doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ayna guulo la taaban karo ka soo hooyeen in kooxdaasi ay meesha ka saarto gacan ku heynta dhul badan oo Soomaaliyeed.

Balse Al-Shabaab ayaa weli awood u leh in ay weeraro dhaba gal ah ku qaado goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda.

Horseed media