Musharrax Cirro oo ka hadlay is casiladii Guddigii Doorashooyinka Somaliland

Published: June 5, 2022

Musharraxa xilka Madaxweynaha Somaliland ee Xisbiga mucaaradka ah Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo la hadlay taageerayaashiisa oo isugu soo baxay Maqaaxi ku taalla Hargeysa ayaa sheegay in ay ka go’an tahay qabsoomidda Dibadbaxa uu ku dhawaaqay.

Musharrax Cirro waxa uu sheegay in aanay la joojin waqti Dadka dareenkooda nabadgalayda ku muujinaya la caburiyo maadaama xaq dastuuri ah oo shacabka uu leeyahay uu yahay isu soobaxa nabadgalyo isla markaana uu hoggaamin doono.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in haddii ay jirto cid u bareereysa in ay rasaas ku furto Shacab aan hubeysneen oo dibadbaxa dhigaya la arki doono, Madaxweyne Muuse Biixi ayuu u sheegay in xilka uusan xoog ku qaban balse dhabbihii uu ku helay ka xisbi ahaan doonayaan in la maro.

Musharraxa Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in uu mas’uul ka yahay xubnaha Guddigii Doorashooyinka ee is casilay si uusan u qaban Doorashada ku asteesan 13ka November 2022 sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Taageerayaasha Xisbiga Waddani ayaa waxa uu ka dalbaday in ay isu diyaariyaan dibadbaxa uu iclaamiyay isla markaana aanay cabsi gelin hadallada diidmada ah ee kasoo yeeraya Xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *