Musharxiinta Galmudug Qaarood oo taageeray Doorashadii Galmudug.

Published: February 4, 2020

Qaar ka mid Musharixiintii u tartamayay Xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay iney u tanaasuleen Shacabka Galmudug isla markaana ay taageersan-yihiin doorashadii ka dhacday Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, taas oo lagu doortay Madaxweyne Iyo madaxweyne ku xigeen.

Musharaxiinta kala ah Kamaal Guutaale, Cabdullahi Faarax Wehliye & Cabdi Dheere, ayaa sheegay in ay aad dawlada ugaga aragti duwanaayeen hanaankii loo maray qabsoomida doorashada madaxtinimada Galmudug, taas darteedna ay uga baaqsadeen ka qaybgalka doorashada, balse ay hadda taageerayaan.

Dhanka kale Musharax Cabdiraxmaan Odawaa ayaa ku gacan-sayray doorashada, waxa uuna sheegay in wixii ka dhacay Galmudug uusan marqaati-beenaale ka noqon doonin.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *