Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro midkee ayaa la khiyaameynayaa?

Published: August 26, 2023
Shares50

Hargeysa: Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysey ka hadley kadib markii uu ku jabey dagaalkii socdey mudada 7-da bilood ah, Ciidankiisi ay noqdeen, kuwo la diley, kuwo is dhiibey, kuwo dhumey oo weli ku maqan miyiga dhoodida, iyo qaar firxad ku gaarey Caynaba, sidoo kale waxaa laga furtey hubkii cuslaa ee ciidamadaasi ay haysteen.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxaa shir saxaafadeedka ku weheliyey, Guddoomiyaha Aqalka Guurtida Saleebaan maxamuud Aadan (Gaal), Madaxeyne ku-xigeenka Somaliland Saylici, Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo Cabdulqaadir Ismaaciil Jirde oo ka tirsan Waddani, waxaa shirka ka maqnaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID faysal Cali Waraabe oo isaguna xalay taageeray ciidanka jabey iyo ninkii dhawaan Golaha wakiilada afhayeenka looga dhigey ee ka soo jeeda Laascaanood Yaasiin Xaaji maxamuud Faratoon.

“…. Dhibaato way dhacdey, ciidanka dhibaato waa gaartey, laakiin waanu ka soo waaqsaneynaa dib ayaanu u habeyneynaa, waana iska celineynaa huwanta isu kaaya soo bahaysatey…..” ayuu yiri Muuse Biixi.

Muuse Biixi ayaa beesha caalamka fariin u direy oo sheegay in Somaliland weli dhisan tahay oo aysan burburin, nabadgelyada xuduudaha iyo baddana ay sugayaan oo aan loo baqeyn qarankan sida uu hadalka u dhigey.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo habeenkii xalay ku dhawaaqey shirkan loo bixiyey midnama qaran ayaa sheegay in Xisbigiisu ay shireen go’aana ku qaateen in ay meel iska dhigaan khilaafka u dhexeeyey iyaga iyo Muuse Biixi una midoobaan danta Qaranka.

Ugu danbeyn Muuse Biixi waxa uu sheegay in wixii ka dhacay gobolka Sool baaritaan ku socdo iyo jabka soo gaarey, oo dadku aad isu weydiinayaan, waana soo bandhigeynaa ayuu yiri wixii dhacay.

Waxaa la is weydiinayaa sababta Cabdiraxmaan Cirro ku kaliftey in uu u galo Muuse Biixi oo qaban waaeyey doorashadii oo doonaya in midda Xisbiyada ah in uu qabto oo meesha ka saaro Waddani iyo UCID, muxuu ku beddeshey? Dadka arrimahan u dhuundaloola ayaa sheegaya in Cabdiraxmaan Ciro uu jabka soo gaarey Muuse Biixi dhan kale uga faa’ideysanayo oo ku beddalanayo taageeradiisa in Muuse ka tanaasulo qabashada doorasooyinka xisbiyada lana soo hormariyo tan Madaxweynaha, waxaase su’aal ka taagan tahay yaa labada nin la khiyaameynayaa.

Horseed Media