Golaha Wakiilada ee Somaliland oo doortey guddoomiye cusub

Published: July 23, 2023
Shares20

Xildhibaanada Golaha wakiilada ee Somaliland ayaa maanta oo Axad ah u fariistey fadhi ay ku dooranayaan guddoomiyaha cusub ee golohaas, kadib markii guddoomiyihii hore Cabdirisaaq Khaliif oo ka so jeeda gbolka Sool uu xilkaas iska casiley, isaga oo la saftey dadkiisa Somaliland duulaanka ku soo qaadey.

Doorashada waxaa ku tartamey Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon) oo ka soo jeeda gobolka Sool kana tirsan xisbiga Kulmiye iyo Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir oo ka soo jeeda gobolka Awdal kana tirsan xisbiga Ucid.

Xildhibaan Faratoon ayaa helay 46 cod, halka Xildhibaan Khadar uu helay 35 cod oo keliya.

Guddoomiyaha cuub ee golaha wakiilada Somaliland Yaasiin Faratoon ayaa muddo ku jirey siyaasadda Somaliland,waxa uu soo noqdey Wasiir sidoo kale waxa uu ahaan jirey guddoomiye ku-xgeenka kowaad e Golaha wakiilada.

Bulsada gobolka Sool iyo Cayn ayaa sheegay in doorashada faratoon aysan waxba ka beddeleyn qaddiyadooda midnimada iyo aayo ka talinta deeganadooda.

Horseed Media