Nigeria: Dad badan oo lagu dilay weeraro ay fulisay Boko Haram

Published: November 2, 2023
Shares96

Kooxda Boko Haram ee dalka Najeeriya ayaa dilay 37 qof. Kooxdan xagjirka ah ayaa 14-kii sano ee lasoo dhaafay dagaal ka waday Waqooyi-Bari Najeeriya.

Kooxdan ayaa Isniintii iyo Talaadadii weerar la beegsaday dad ku noolaa tuulooyin hoos yimaada degmada Geidam ee gobolka Yobe.

Weerarkan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee gobolkaas ka dhaca in ka badan hal sano.

Waxay kooxdan markii hore toogasho ku dileen 17 qof, kadibna waxay miino dhulka lagu aasay ku dileen 20 kale oo u baxay inay ka qaybgalaan aaskooda.

Maamulka gobolka Yobe ayaa arbacadii shalay qabtay shir deg-deg ah oo amniga looga hadlayey. Waxayna weerarradaas ku eedeeyeen maleeshiyaadka kooxda xagjirka ah oo ka yimid gobalka ay deriska yihiin ee Borno.

Horseed Media