Nin ku eedeysan dilkii foosha xumaa ee Nairobi ka dhacay oo la qabtey

3 November, 2024

Booliska Kenya ayaa gacanta ku dhigey Haashim Dhaqane Maxamuud oo loo haysto dilka saddex haween ah…

Booliska Kenya ayaa gacanta ku dhigey Haashim Dhaqane Maxamuud oo loo haysto dilka saddex haween ah oo kala ahaa Waris Daa’uud, gabadh yar oo ay dhashey iyo mid kale oo walaasheed ay dhashey, kuwaas oo meykooda la jarjaray laga helay xaafad ka tirsan magaalada Nayroobi, taariikhdu markey ahayd 21 Oktoobar 2024.

Eedeysanaha ayaa manta oo Axad ah laga qabtey Xaafadda Isareeha, waxaana lagu xirey saldhigga booliska ee Kamarkuchi.

Booliska ayaa aaminsan in uu ninkaani yahay tuhmanaha ugu weyn ee kiiskan todobaadkii hore ayey baahiyeen sawiradiisa waxaana uu ahaa baxsad.

Haashim ayaa la sheegay in uu ka tirsanaan jirey ciidanka Booliska Itoobiya, dalkiisa ayuu ka soo baxsadey kadib markii uu diley Xaaskiisi, ninkan ayaa markii uu Kenya u soo baxsadey noqdey tagsiile ka dhex shaqeysta xaafadaha Islii iyo Parkland, waxaana laga aqoonsadey kaamaradaha CCTV isaga oo dhibanayaasha ka qaadayada gurigooda oo ku yaala xaafadda Islee.

Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan Kenya oo arrintan fajaciso ku noqotey ayaa soo dhaweeyey qabashada eedeysane haashim Dhaqane Maxamuud.

Kiiskan ayaa waxaa kale oo u xiran nin kale oo Soomaali ah.

HORSEED MEDIA