Nin La Nool HIV/AIDS oo Kufsi Ku Eedaysnaa oo 20 Sanno Lagu Xukumay

Published: February 29, 2020

Maxkamada Sarre ee Puntland ayaa xukun kama danbays ah ku riday Mukhtaar Cabdikaafi Xirsi oo lagu soo eedayay in uu kufsi u gaystay gabar markaas da’deeda lagu sheegay  9-sanno jir.

Xukumane Mukhtaar oo da’diisu tahay 36-sano jir, islamarkaana la nool cudurka HIV/AIDS-ka, ayaa lagu helay in uu 3-dii bishii Maarso 2019 degaanka ka tirsan gobolka Mudug uu kufsi ugu gaystay Gabadhaas da’ad yar.

11-kii April 2019, maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Mudug ayaa Mukhtaar ku xukuntay dil toogasho ah iyo in uu bixiyo ganaax lacageed oo gaaraya $5000 Dollar, kaas oo ku qiimaysan mag-dhowgii bikra-jebinta.

Maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal ayaa xukunkaasi burisay 1-dii October 2019, waxaana ay xukumane Mukhtaar ku ridday 20-sano oo xabsiya, inkastoo aysan waxba ka beddelin ganaaxii lacageed ee lagu xukumay.

Maxkamadda sare ee Puntland oo maanta go’aan kama dambays ah ka gaartay kiiska Mukhtaar, ayaa si buuxda u ayidday xukunkii maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal, oo ahaa 20-sano oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo dhan $5000.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *