Nin waayeel ah oo dhowaan qabsaday baraha bulshada oo la siiyay Xaj bilaash ah

Published: April 29, 2023
Shares2

Cabdulqadir oo 82 jir reer Pakistan ah, dhawaana qabsaday baraha bulshada ka dib markii muuqaal laga duubay isagga oo kasoo baxay Masjidka Nebigga ee Madiina, kaas oo dadku ay leeyihiin waxa uu u egyahay asxaabtii hore ayaa hellay Xaj bilaash ah sanadka.

Cabdiqaadir markii uu ku laabtay Pakistan ayuu waraysi bixiyay, waxa uu sheegay in lacagta uu cimrada ku taggay uu ururinayay 15 sano.

Dad muxsiniin ah oo u dhashay dalalka Sacuudigga, Pakistan iyo Turkigga ayaa isku qabsaday sidii qofkasta uu u noqon lahaa mid bixiya dhamaan kharashaadkiisa Xajka ee sanadkaan.

Caannimadiisa lama filaanka ah ayaa hadda keentay inuu helo xaj iyo cumro lacag la’aan ah oo aan la soo koobi karin.

Horseed Media