NISA oo qabatey nin la baxay Sufyaan Taakeeye oo baraha bulshada caan ka ahaa

Published: October 3, 2023

Hay’adda Nabad Sugidda ee NISA ayaa sheegtey inay gacanta ku soo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed oo loo yaqaano (Taakeeye), kaas oo ku eedeysan inuu faafinayay afkaaro xagjirnimo ah, isla markaana tageero u fidiyey ururka a-Shabaab.

“Hay’adda NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed, oo waayihii dambe faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo Dowladnimada Soomaaliya, sidoo kalana taageerayay Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda.

Taakeeye ayaa baraha bulshada caan ka noqdey sanado ka hor markii uu soo duubey muuqaal isaga iyo afar qof oo dumar ah kuwaas oo uu sheegay in ay xaasaskiisi yihiin, iyada oo aan la oegyn danta uu kalahaa, waxayse ku reebtey dhibaato weyn.

Wax yar kadib caan nimadiisi waxaa soo baxdey oo weriyaal ka shaqeyn jirey Radio Muqdisho 1991 ku eedeeyeen in uu diley shan weriye, markii dowladdu dhacdey jamhada USC ay qabsatey Muqdisho.

Weriye Siciid Ateeno oo muddo dheer ka shaqeynaayey Radio Muqdisho ayaa ku eedeeyey Taakeeye in uu diley weriyasha kala ah:

  1. Abuukar Maxamed Nuur
  2. Cabdlqaadir Cali Idle
  3. Mahad Aadan Xasan
  4. Cabdi Sheekh Cali
  5. Cabdi Xaange

Ilaa maanta caddaalad lama keenin, laakiin hadda waxaa loo qabtey waa in uu fikir xagjirnimo faafinaayey.

Horseed Media