NISA oo xirtay wariye idaacad ku taalla Muqdisho Ka Howlgala

Published: March 2, 2020

Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa maalintii Sabtida ee toddobaadkan  magaaladda Muqdisho ku xiray  tifaftiraha idaacadda madaxa-bannaan ee Radio Hiigsi, Maxamed Cabdiwahaab Nuur (oo ku magac dheer Abuuja)

Saraakiil ka tirsan NISA ayaa xiray wariyaha xilli uu ku sii jeeday xarunta idaacaddiisa, sida uu sheegay agaasimaha Radio Hiigsi, Xuseen Axmed Tifow. Wariyaasha la shaqeeya Maxamed waxay SJS u sheegeen in xariggiisa uu la xiriiro qormo tifaftireed su’aal gelisay hab dhaqanka anshaxa ciidanka ammaanka oo sidoo kale ka hadashay isticmaalka awoodaha xad-dhaafka ah ee ciidamada taasoo laga baahiyay Radio hiigsi isla markaana lagu daabacay bogagga baraha bulshada ee idaacadda 26 February 2020.

“Waxyar kahor intaan la xirin, wuxuu Maxamed ii sheegay inuu ku soo wajahan yahay xarunta idaacadda. Abbaare 2.p.m aabihiis ayaa ii soo sheegay inay Maxamed xireen askar ka tirsan NISA,” agaasime Xuseen Axmed Tifow ayaa sidaas u sheegay  ururka suxufiyiinta ee SJS.

Cabdiwahaab Nuur Mahdi oo ah aabaha wariyaha ayaa sheegay in kaddib dhowr isku day oo uu ku raadinayey wiilkiisa markii dambe uu ogaaday in Maxamed lagu xiray xabsiga caanka ah ee ay NISA maamusho ee Godka Jilacow ee Muqdisho. Aabuhu wuxu kaloo sheegay in subaxnimadii Axaddii markuu tagay Godka Jilacow loo diiday inuu arko wiilkiisa.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa cambaareeyay xarigga wariyaha, waxayna ka walaacsan yahay sii xirnaanshaha wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur, waxaana SJS ay ku baaqeysaa in si shuruud la’aan ah xorriyaddiisa loogu soo celiyo wariyaha.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *