Norway oo bixineysa $400 Milyan oo ah qaanta Bangiga Adduunku ku leeyahay Soomaaliya.

Published: January 25, 2020

Shir aan caadi ahayn oo ay Golaha Wasiirradu xukuukamada federaalku maanta Muqdisho ku yeesheen ayey ku ansixiyeen oggolaanshaha heshiiska ay Norway ku caawineyso deyn-cafinta Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’isul wasaaraha ayaa lagu sheegay in Dowladda Norway ay bixineyso lacag gaareysa $400 Milyan oo ah qaanta Bangiga Adduunku ku leeyahay Soomaaliya.

Sidoo kale Dowladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa bixinaya ammaahda ay Soomaaliya ku leeyihiin Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii hay’adaha maaliyadda adduunka iyo dowladaha deymaha ku leh Soomaaliya ay ku qanceen dib-u-habaynta dowladda Soomaaliya ay ku sameysay hay’adaheeda maaliyadeed saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Hay’adda lacagta adduunka, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ee ayaa la filayaa in todobaadyada soo socda ay ku dhawaaqaan in deynta laga cafiyay Soomaaliya, taas oo bog cusub u fureysa dhaqaalaha dalka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *