Odawaa ''Khayre waxa uu ka shaqeeyay in maanta Galmudug ay 4 garab marayso''

Published: January 23, 2020

Cabdiraxmaan Odawaa oo ka mid ah muhsaraxiinta ugu culus ee u tartamaya xilka madaxweynaha Galmudug oo ku sugan Dhuusa-mareeb ayaa si faahfaahsan uga hadlay hanaan doorashada madaxda galmudug ay ku socoto, dib u dhisida maamulka Galmudug ayaa xaalada siyaasadeed ee hadda ka taagan.

Odawaa ayaa si toos ah Raysal wasaaraha DFS Xasan Cali Khayre ku dhaliilay in uu ka shaqeeyay in uu Galmudug kala qaybiyo, sidoo kalena waxa uu tilmaamey in ay faragelin dawladu ku hayso qabsoomidda doorashada madaxtinimada Galmudug.

“Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda juhdigii ay ku bixiyeen Galmudug laga soo bilaabo 24 June ee sanadkii hore illaa caawa wuxuu mira dhalkeeda uu noqday Galmudug oo afar meel ku kala hoyaneysa, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu u yimid Hal Galmudug oo Xaaf hoggaamiyo, hada waxay maree 4 Galmudug, ma ugu daray mise waa uga roonaaday ” ayuu yiri C/raxmaan Odawaa.

Mr Odawaa ayaa sheegay in markii uu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha xilligii Cadaado ee la dhisayay Maamulka Galmudug ay soo xaliyeen intii badneyd caqabadihii jiray, balse ay u dhineyd oo kaliya hal caqabad oo aheyd Ahlusunadii fadhigooda ahaa Dhuusamareeb, hase ahaatee dowladda Federaalka ay xaalada Galmudug maanta ka dhigeen afar meel oo ay kala taagan tahay Galmudug.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *