Pakistan: Shehbaz Sharif Oo Mar Kale Loo Doortay Raysal Wasaaraha Dalkaasi

Published: March 4, 2024

Baarlamaanka cusub ee dalka Pakistan ayaa mar labaad Shehbaz Sharif maanta u doortay raysal wasaare, saddex toddobaad kaddib markii doorashooyinka dalkaasi ay sababeen dib u dhac ku yimid dhismaha dowlad wadaag ah.

Codbixiyeyaasha Pakistan ayaa 8-ddii bisha u dareeray goobaha cidbixinta iyadoo doorashadu ay hareeyeen hoos u dhac internet-ka ah, xiritaan iyo rabshado. Sharif ayaa ku laabtay xilkii uu hayay tan iyo bishii August markii baarlamaanka la kala diray.

Codbixiyayaasha baarlamaanka oo markii ugu horreysay kulmay Khamiistii, ayaa kusoo aadeysa xilli ammaanka aad loo adkeeyay iyadoo musharraxiinta uu taageersan yahay raysal wasaaraha hore ee jeelka ku jira, Cimraan Khan ay ka dibad baxeen natiijada ayna dalbadeen sii deyntiisa.

Horseed Media