Pence ayaa ku marag furay Donald Trump, baaritaanka 6 Janaayo

Published: April 28, 2023

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence ayaa hortagay xeerbeegti heer federaal ah oo baaraya Donald Trump, sida ay ku warrantay dhowr warbaahinta Mareykanka ka mid ah. Pence ayaa wax laga waydiiyay waxa uu ka ogaa weeraradii Capitol-ka ee Janaayo 6, 2021.

Sida ay warbaahinta u sheegeen dhageysiga dacwada ayaa socotay saacado badan. ABC News ayaa ku warantay in Pence uu ku jiray isla dhismihii xeerbeegtida in ka badan toddobo saacadood ka hor inta aan la arkin baabuurkiisa oo meesha ka dhaqaaqey.

Lama oga waxa uu Pence yiri.

CNN ayaa sheegtay in tani ay tahay markii ugu horeysay taariikhda casriga ah ee madaxweyne ku xigeen uu ku markhaati furo madaxweynihiisa.

Dhageysiga dacwadda ayaa qeyb ka ah baaritaanka dacwad oogaha gaarka ah Jack Smith ku sameeyay isku daygii Trump ee ahaa in uu burinayo doorashada madaxtinimada ee 2020-ka.

Trump ayaa la sheegay inuu ku cadaadiyay Pence inuu hor istaago natiijada doorashada 2020 marar badan, isagoo aan ku guuleysan. Subaxnimadii 6-dii Janaayo, Trump ayaa la sheegay inuu ku cadaadiyay Pence inuu baabi’iyo natiijada doorashada isagoo wada hadal gaar ah la yeeshay.

Marqaatigan ayaa yimid saacado un kadib markii maxkamada federaalku ay diiday isku day kale oo ay qareenada Trump ku doonayeen in ay kaga hortagaan in Pence uu horyimaado xeerbeegtida guud.

Waxaan raaci doonnaa sharciga, run baan sheegi doonnaa, ayuu Pence ku yiri wareysi uu siiyay CBS News maalintii Axaddii.

Marqaatiga habeenkaas ayaa imaanaya xilli Pence la sheegay in uu ka fikirayo in uu Trump kula tartamo dedaalka uu ugu jiro musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga ka hor doorashada madaxtinimada ee sanadka soo socda.

Horseed Media