Philippines: Dowlada oo mamnuucday Haweenka u shaqo taga Kuwait

Published: February 16, 2018

Dalka Filibiin ayaa la gaarsiiyey meydka haweenay dalkaasi u dhalatay oo lagu dilay dalkii ay u shaqo tagtay ee Kuwait.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Joanna Daniela Demafelis ayaa laga helay Qaboojiye/furinjeer yaalay guri laga guuray, waxaana la rumeysan yahay inay dileen reerkii ay u shaqeyn jirtay.

Dowlada Kuwait ayaa sheegtay inay baaritaan kuwado dilka cida ka danbeysa.

Dowlada Filibiin oo horey u mamnuucday in haweenkooda shaqo ka doontaan qaar kamid ah dalalka Khaliijka ayaa diiwaankooda ku daray dalka Kuwaity oo ay sheegeen in wixii hada ka danbeeya haweenkooda aysan u shaqo doonan karin wadankaasi Kuwait.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *