Puntland: Ayax Cusub oo Ku Degay Dhul Daaqsimeedka Gobolka Karkaar

Published: February 8, 2024

Ayax cusub oo kasoo gudbay dalka Yaman, kuna cusub Soomaaliya ayaa ku deggay dhulka xoolo daaqeenka ee gobolka Karkaar gaar ahaan deegaanka hoos yimaada degmada Qardho.

Wasiirka beeraha Puntland Axmed Shire, Maamulka gobolka Karkaar, taliyaha qaybta booliska gobolka Karkaar, shaqaale ka tirsan wasaarada iyo masuuliyiim kale ayaa galabta booqday dhulka uu ayaxu kusoo deggay.

Khuburada wasaaradda Beeraha ayaa ayaxaan ku sheegay nooc ku cusub degaanadda Puntland iyo guud ahaan Somalia, waxaana lagu magacaabaa African Migratory Locust.

Wasaaradda ayaa hada isu diyaaarinaysa hawlgal control ah oo la gula dagaalamayo Ayaxaan iyadoo Isla asbuucan loo dirayo baabuurta iyo kooxaha la dagaalama ayaxa ee ka hawlgala xarunta la dagaalanka ayaxa ee Qardho.

Horseed Media