Puntland iyo Shirkadda DP World oo ka wada hadlay dhismaha & balaarinta dekadda Bosaso

Published: October 12, 2022

Wasiirada Wasaaradaha Maaliyadda iyo Dekaddaha Puntland ayaa maanta kulan kula yeeshay gudaha Dekadda Magaalada Bosaso Mas’uuliyiinta Shirkadda DP World ee gacanta ku haysa qorshaha ballaarinta Dekadda oo dhawaan bilaaban doonta.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta  howlaha shaqo iyo adeegyada bulshada loo hayo ee Dekadda Bosaaso, lagana dhigo mid casriya si bulshadu u hesho adeeg deg deg ah, lagana shaqeeyo in kor loo qaado dakhliga. 

Intii uu kulanka socday waxaa sidoo kale looga hadlay dhismaha iyo balaarinta dekadda oo dhowaan bilaabanaya iyo siidii la isaga kaashan lahaa in aan wax caqabad ah ku iman habsami u socodka shaqada Dekadda. 

Ugu dambayn kulankan ayaa laysku raacay in sadexdii biloodba mar ay qabsoomaan kulamo noocan oo kale ah loona saaro farsama yaqaaniin soo turxaan bixiya howlaha shaqo ee loo baahan yahay. 

Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli ay sii kordheyso cabaqada ka taagan marka ay dekadda ku soo xiranayaan maraakiinba iyo doonyaha ganacsi, taas oo mararka qaar sababta in ay soo caariyaan.

Horseed Media