Puntland: Ma Habboon Tahay In Ciidamada Arrimo Siyaasadeed Loo Isticmaalo?

Published: March 1, 2017

Todobaadkan qaar kamid ah ciidamada difaaca uga jirey gobolka Mudug ee uu hoggaamiyo Col. Jimcaale Takar ayaa gudaha u soo galay caasimadda Puntland ee Garoowe.

Ciidankan oo ku hubeysnaa gawaarida tiknikada ee lidka diyaaradaha ayaa xanibaad ku soo rogey dhismaha Golaha Wakiiladda ee Puntland iyo weliba jidka hore ee dhismaha baarlamaanka ee waddada dheer ee isku xirta magaalada. Muddo saacado ah ayaa waxaa dadka caasimadda ka soo gaarey dhibaato dhanka isu socodka iyada oo laga wareegaayey waddooyin kale.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay ka cabanayaan mushahar la’aan sagaalkii bilood ee u danbeysey!, warkaas ayaana meelkasta gaarey. Waxaa u tegey waxgaradka magaalada oo ka codsadey in ay magaalada ka baxaan cabashadoodana wax laga qabanayo, taas oo ay u hogaansameen markii danbe waxaana ay ku noqdeen xerada Ligle ee duleedka Garoowe.

Waxaa la is weydiiyey haddii ciidamadu ka cabanayaan mushahar la’aan sababta ay xanibaadda ugu soo rogi waayeen goobaha Maaliyadda sida Bangiga iyo Wasaaradda oo ay u tageen Baarlamaanka oo aan wax shaqo ah ka socon oo Xildhibaanadu ku kala maqan yihiin gobolada.

Jawaabta wasaaradda Maaliyadda

Wasaaradda Maaliaydda ayaa soo saartey War-saxaafadeed ay wasaaraddu ku caddeyneyso in sanadkii 2016 aysan jirin wax mushaharaad ah oo ciidanka ka maqan haba yaaraatee sidoo kale bishii Janaayo ee sanadkan ay qaateen ciidanku Mushaharkooda. War saxaafadeedka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in bilaha sanadka badxiranka ay dhacdo is-dhin dhaqaale oo aan loo helin ilo kale oo kharashka laga daboolo, sidoo kale Puntland ayaa gashey dagaalo badan sanadkii 2016 kuwaas oo ka kala dhacay Suuj iyo Garmaal, Gaalkacyo oo laba jeer ah, Qandala iyo Gal-gala oo mid joogto ah ka taagan yahay, taas oo kasbatey kharash badan oo aan ku talo gal lahayn.

Jawaabta ciidanka

Qoraal kale oo ka soo baxay Sarkaalka xukuma ciidanka Baarlamaanka hortiisa xanibaadda ka sameeyey Col. Jimcaale Takar ayaa muujinaya in sanadkii 2016 uu ku waafaqsan yahay Wasaaradda oo aysan jirin wax mushahar ah oo ka maqan, marka laga reebo bishii Oktoobar keliya oo uu ku khilaafsan yahay Wasaaradda qoraalkeeda. Qoraalka ka soo baxay Jimcaale Takar ayaa muujinaya in ay ka maqan tahay 7 bilood mushaharkeed oo ka soo bilaameysa sanadkii 2014 iyo weliba gunnooyin kale oo ay kamid yihiin geedfuul iyo qorrax-joog.

Dhaqaalaha ugu badan ama miisaaniyadda Puntland ayaa ku baxda difaaca iyo amniga. Ciidanka Puntland oo aan marna lagu sameyn isbeddel dhankasta ah ayaa ku shaqeeya duruufo adag oo aysan helin wax u dhigma baahida ay qabaan.

Iyada oo ay sidaas tahay ayaa haddana la isweydiinayaa sababta dheriga karka ka keentey? oo ciidamadu ay furinta u soo baneeyaan khatarna u geliyeen amniga, iyadoo guutada gadoodsan iyo Wasaaraddu ay isku waafqsan yihiin in 2016 wax mushahar ah aysan ka maqneyn? Maxaa isku soo aadiyey dhawaaqi siyaasiyiinta darka horay fadhidey oo damacu qaadey mar kale ee sheegay in Puntland isugu timaado wadatashi? Puntland suurta gal maka tahay inqilaab Mileteri marka la eego qaabka ay u taal iyo taariikhdeedaba?, jawaabtu waa mid fudud waana maya.

Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas waxa uu xilka hayey 37 bilood, ciidanku waxay sheegteen in 7 bilood keliya mushara ka maqan yahay inkasta oo Wasaaradda Maaliyaddu sheegtey in 2016 wax ku dhiman aysan jirin taas oo ka dhigi karta sheegashada ciidanka qalabka sida 6 bilood, ayaa la is weydiin karaa ma u dhigantaa falkii cidanku sameeyeen mushaharka ka maqan muddo 37 bilood ah mise waxay ahayd fariin loo dirayo caalamka, cadaadis la saarayo Xildhibaanada oo qaarkood si toos ah loo beegsadey, qaarkood loo direy fariimo SMS ah oo hanjabaad ah, waxaa dad badan aaminsan yahay in ay ahayd kicin iyo durbaan siyaasadeed oo ay jirto cid daaha-gadaashiisa isku qarineysa.

Dhanka kale ciidamada Puntland waa ka badan yihiin kuwa uu hoggaamiyo Col. Jimcaale Takar oo gadoodka sameeyey waxaana uu qoraalkiisa Col. Jimcaale ku koobey guutada uu isagu xukumo, waxaana la is weydiinayaa sababta taliska guud ee ciidanka jawaab u bixin waayey.

Waxaan shaki ku jirin in Puntland ay marayso marxalad aad u adag oo isgu jira mid amni, mid dhaqaale iyo weliba mid ay abaaruhu kalifeen oo dadkii iyo duunyaduba ay khatar ku jiraan. Waxaa lagama maar-maan ah in maamulka Puntland lagu dhaliilo in aysan ka soo bixin ballan qaadkoodi, wixii ay ka gaabiyeen ama ay khaldeen si aan ku talo gel ahayn iyo mid ula-kacba ay u sameeyeen in lagu dhaliilo,

Taas waxaa bar-bar socda in meel looga soo wadajeesto siyaasiyiinta horey u boobay hantidii dadweynaha Puntland iyaga oo afka dufankii kuleh, iyaga oo aan kariinka (afka) iska tirin ka yeeraya musdanbeedka., eedahaya ay u jeedinayaan maamulka, waxay u talaa cidda ay eedeeyeen in ay iska difaacaan, Shacabka Puntland waxaa la gudboon in aysan kuwaas ka dhex-qaylinaya qasriyaddii ay hantida dadweynaha ka dhisteen aan laga oggolan in ay amanigooda ku ciyaaraan iyaga oo dano siyaasadeed ku doonaya qiime kasta.

Ugu danbentii waxaa habboon in ciidanka xaqiisa la siiyo cidkasta laga hormariyo, dib u habeyn iyo isbeddel lagu sameeyo qaab dhismoodkooda iyo aqoontooda, taas oo ahayd ballan qaadkii Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas laakiin u muuqda mid qaadey wadaddii kuwii ka horeeyey Puntland aysan ka dhaxleyn ciidamo leh astaan qaran. Wax xal ah kuma imaanayo in ciidanka la geliyo herden siyaasadeed iyaga oo lagu kicinaayo xuquuq ka maqan, taas waxa laga dhaxli karaa keliya fawdo iyo amni darro.

Qore: Ismaaciil X. Siciid

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *