Puntland: Ma Jirto Mushahar iyo Xuquuqo Ka Maqan Ciidamadda Dowladda (Warsaxafadeed)

Published: February 28, 2017

Warsaxafadeed ka soo baxay Wasaaradda maaliyadda dowladda Puntland ayaa markii u horraysay waxaa faahfaahin lagaga bixiyay cabashooyinka la xiriira mushaharooyinka iyo xuquuqaha kale ee ka maqan Ciidamadda Qalabka Sida muddo sideed Bilood ah, gaar ahaan ciidamadii dhowaan qabsaday xarunta Gollaha wakiiladda Puntland ee Garoowe.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu caddeeyay in sanadkii tegay ee 2016ka aanay jirin wax mushahar,Adeeg iyo raashin ah oo ciidankaasi ka maqan, waxay kaloo wasaaradu sheegtay in ciidankaasi loo gudbiyay dhammaan xuquuqihii bisha Janaury ee sanadkan 2017ka.

” Wasaaradda Maaliyada Puntland waxay cadaynaysaa in sanadkii dhammaaday ee 2016ka aaney jirin wax mushahar ah, adeeg iyo raashin ah oo ciidankaasi ka maqan, waxaa intaa dheer in ciidankaasi loo gudbiyay dhammaan xuquuqihii bisha January, waxa u harsan, oo aanu weli ciidanku qaadan bishan aynu ku jirno ee february 2017″ ayaa lagu yiri Waraxafadeedka.

” Waxaa beryahan dambe warbaahinta laga arkayay shaqsiyaad wata fikardo gurraan oo bulshada Puntland ayan caado u lahaan jirin. shaqsiyaadkaas waxa dantoodu tahay ina y fitno dhex-dhigaan shacabka Puntland, amniga wadankana khalkhal galiyaan iyagoo adeegsanaya xeelado aan garasho dheeri ka dambayn iyo warar abuur ah oo xaqiiqda ka fog”

Warsaxafadeedkan oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Sheekh Axmed waxaa kaloo lagu sheegay in wasaaradda Maaliyadu ay xilgaar ah iska saartay, islamarkaana ay mudnaanta kowaad siiso ciidamada, oo ay u aqoonsantahay in xil gaar ah oo adag u hayaan dalka iyo Dadkaba.

” Waxaa nasiib darro ah in ciidan joogay goobihii loogu talogalay ay sidaas u fududaato in ay soo baneeyaan, islamarkaana lagu abaabulo dareen been-abuur ah si loo kiciyo shacakba Puntland” sidaas ayaa lagu yiri warsaxafadeedka.

Dhinac kale, Wasaaradda Maaliyadu waxay u mahadcelisay dhammaan ciidamadda puntland oo ku tilmaamtay in ay had iyo jeer u soo jeedaan difaaca dalka iyo dadka, una dhabar adegaan dhibaatooyin badan oo soo wajaha.

Gabagabadii, maalintii axadii ee 26 bishan February , ayaa ciidamado ku gashaaman hub culus oo fadhigoodu ahaa magaaladda Galkacayo waxay la wareegeen saacado kooban Xarunta Barlamaanka Puntland ee Garoowe, halkaasi oo ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah xildhibaanada Puntland, hase yeeshee saacado ka dib ayaa lagu qanciyay inay ka banneeyaan xarunta Barlamaanka.

Hooseka akhriso Warsaxafadeedka oo dhamaystiran

Warsaxafadeed

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *