PUNTLAND: “Majirto Doorasho lagu qabanayo 12 degmo oo kaliya”

Published: October 1, 2022
Shares34

Xukuumadda Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay hadalkii Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal kaas oo ahaa in doorashooyinka qof iyo cod lagu koobay 12 degmo.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland Cabdiweli Mire Xirsi ayaa sheegay in aysan waxba jirin wararka ku saabsan in 12 degmo laga qabanayo qof iyo cod.

Wasiir Cabdiweli Mire ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay mas’uul ka tahay barnaamijkan islamarkaana aysan macquul ahayn in 12 degmo lagu koobo doorashooyinka.

“Arinkan Wasaaradda Arimaha gudaha ayaa Puntland masuul uga ah, 12 degmo macquul ma aha, Madaxweynuhuna ma sheegin, waxaan Reer Puntland u sheegayaa in gelayaan doorashada degmooyinka” ayuu yiri Wasiirka kuxigeenka Arimaha gudaha Puntland.

Sidoo kale Wasiirka kuxigeenka ayaa beeniyay in wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal iyo Madaxweyne Siciid Deni isku khilaafeen arrintaas.

Horseed Media