Puntland: Muran ka taagan dekadda Bosaso kadib markii laba wiish oo cusub la keenay

Published: November 13, 2022

Dekadda Boosaaso waxaa maanta ka dhacay buuq iyo is faham waa kadib markii laba wiish oo isku nooc ah oo cusub la keenay, kuwaas oo la sheegay in ay leedeahay shirkadda DPWorld, maamulka dekadda ayaa amar ku bixiyey in wiishashkii kale ee horey dekadda uga shaqeyn jirey ay isaga baxaan, kuwaas oo ay lahaayeen ganacsato reer Puntland ah isla markaana ay ku tiirsanaayeen muruqmaal badan.

Xoogsatadii dekadda iyo qaar kamid ah ganacsatada ayaa arrintan kacdoon ka sameeyey, waxaana ay sheegeen in ganacsato kale loo xiraayo ee aysan ahayn wax DPworld leedahay, haddii DPworld leedahay waxaa laga sugaayey in ay dekada dhisaan oo wiishah ku xiraan ee lagama sugeyn in ay annaga nala tartamaan ayey ku doodeen.

Arrintana ayaa lagu xaliyey in baarkinka la geliyo labada wiish ee cusub inta muranka la xalinaayo oo wiishahskii hore sii shaqeeyaan.

Dekadda Bosaso waxaa heshiis kula wareegtey shirkadda P&Ports oo ah gabadha DP World, sanadkii 2017, laakiin waxaa shaqeyn waayey heshiiska oo ahaa in laba sano gudahood lagu dhiso, Madaxweynaha Puntland ayaa degmada Waaciye ka sheegay bishii Feberaayo 20222 in shirkadda DPWorld hadda la wareegtey oo meesha soo gashey dekadana ay dhiseyso, laakiin 25% ay yeelaneyso Puntland, taas oo aanu caddeyn sida ay ku dhacayso, ilaa hadda sanad kadib weli waxba lagama fulin.

Baarlamaanka Puntland ayaa kalfadhigii 50aad dalbadey in heshiiska cusub la horkeeno golaha wakiilada, taas oo aan iyaduna dhicin.

Isimiada Puntland ayaa horey u soo saarey go’aan ah in dekadda Bosaso ay dhistaan ganacsatada reer Puntland, taas oo Madaxweynaha Puntland weli aanu yeelin.

Horseed media