Puntland oo digniin ka soo saaray Roobab mahiiggaan ah oo ku soo wajahan Gobolka Nugaal

Published: October 23, 2022

Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta Musiibooyinka Puntland ayaa digniin ka soo saaray Roobab mahiiggaan ah oo ku soo wajahan Puntland gaar ahaan Gobolka Nugaal.

Wasaaradda ayaa bulshada ku nool dhulka godan iyo meelaha biya qaba-tinka leh ku wargelisay in ay feejignaan muujiyaan.

“Digniin ku saabsan roobabka; waxay saadaashu sheegaysaa inay jiraan Roobab mahiigaan ah, gaar ahaan Gobolka Nugaal, haddaba waxaa bulshada Puntland ku wargalinaynaa inay ka digtoonaadaan meelaha biyo qabatinka ah Miyi, Magaalo iyo Xeebaha” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta Musiibooyinka Puntland.

Digniintan ayaa ku soo aadeysa xilli ay daadad khasaare sababay xaley ku soo rogmadeen magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.

Horseed Media