Puntland oo Dowladda Federalka ku eedeysay inay waddo qorshe dhan ah nidaamka dowladnimo

Published: January 9, 2023
Shares44

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya inay waddo qorshe ay ku wiiqeyso nidaamka dowlad dhexe.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay labadii qodob ee uu dhawaan diiday inuu saxiixo, inay yihiin qodobo kasoo horjeeda nidaamka federalaynta dalka, islamarkaana u eg kuwo talada ay ku marooqsanayso dowladda federalka.

Siciid Deni, Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay qorshaha la wado inuu kamid yahay, in dastuurka la meel mariyo iyadoo aan laga doodin qaddiyada Somaliland, gobolka Soolna loo xalaaleeyo Somaliland.

Madaxweyne Deni ayaa maanta lagu wadaa inuu soo saaro warqad ku saabsan mowqifka Puntland ee arimahaasi.

Horseed Media