Puntland oo maanta u dabaal-detgey sannad-guuradii 25 aad ee asaaskeedi.

Published: August 1, 2023

Maanta oo ay taariikhdu tahay 01-da Ogoosto 2023 waxaa Puntland si weyn looga xusey 25 sano guuradii ka soo wareegtey markii la asaasey Puntland sanadkii 1998.

Xuska maanta ayaa ka duwanaa kii sanadkii hore oo dalka ay ka jirtey abaar ba’an.

Ciidamada kala geddisan ee Puntland ayaa gaado-kaciyaar ku marey barxada, sidoo kale waxaa lagu soo bandhigey hubka gaashaaman ee ciidamada oo kala duwan.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, Madaxweyne ku-xgeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa salaan sharaf ka qaadanaayey cutubyada ciidamada ah ee gaardiska ku marey hortooda.

Maalintii shalay waxaa Madaxweyne Deni xariga ka jarey ilaa lix dhisme oo cusub oo hay’adaha kala duwan ee Puntland loo dhisey.

Waxaa lagu wadaa habeenka caawa ah ee Salaasada in Madaxweyne Deni uu jeediyo khudbad uu uga hadlaayo xaaladda Puntland oo mareysa isgoys dhankii ay u dhaqaaqi lahayd weli aysan caddeyn.

Muddo xileedkii baarlamaanka iyo Madaxweynaha ayaa gabaabsi ah, doorasho qof iyo cod ahna laguma qaban karo mudada yar ee harsan, ma jiro heshiis siyaasadeed oo la gaarey, waxaana la is weydiinayaa sida ay Puntland u ekaaneyso 2024.

Horseed Media