Puntland oo sheegtay in dishay horjooge ka tirsan kooxda Daacish

Published: January 13, 2023
Shares4

Taliska Booliiska Puntland ayaa sheegay in weerar ka dhacay degmada Balidhidhin ee gobolka Bari lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Daacish oo lagu magacaabi jiray Abu-Albara Al Amani.

War qoraal ah oo kasoo baxay ciidanka Booliiska Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka ay ka hortageen weerar habeen hore  kooxda Daacish ay kuso qaaday Saldhiga deegaanka Balidhidhin, islamarkaana ciidanka ay ku dileen Madaxii hawlgalada kooxdaasi.

Sidoo kale Bolliiska ayaa sheegay in Abu-Albara Al Amani uu kasoo jeedo gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya, islamarkaana uu ahaa shaqsi Itoobiyaan badan ku qasbay iney ka mid noqdaan kooxda Daacish ee ka dagaalanka deegaanada Puntland.

Booliiska Puntland sidoo kale sheegay iney horay u dileen Madixii hawlgallada Daacish Abuu Waliid Al-muhaajir, kadib dhaawac kasoo gaaray hawlgal ay ciidamada amniga Puntland ka fuliyeen agagaarka buuraleyda Calmiskaad, hayeshee dilkiisa kadib ay kooxda booskaasi u magacawday Abu Albara bishii July ee sanadkii 2021, kaasoo isna 12-kii bishaan la dilay.

Horseed Media