Puntland oo si adag u diidey, arrimaha shidaalka ee dowladda federaalka bilowday

Published: September 15, 2022
Shares232

War saxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland si adag uga soo horjeedo dhaq-dhaqaaqyada dowaldda federaalku bilowday ee ku aadan arrimaha shidaalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri:

Dawladda Puntland waxay uga digaysaa dawladda Faderaalka ee Soomaaliya in ay joojiso ku dhaqanka sharcigan aan waafaqsanayn dastuurka dalka, kaas oo keeni kara khalkhal hor leh oo dalka ka dhalan kara, waxna u dhimi kara hannaanka dawladnimo, ugu dambayntiina hurin kara kacdoon shacab iyo rabshado.

War saxaafadeedkan oo ku qoran afka Ingriiska oo keliya ayaa Puntland aad ugu nuux-nuuxsatey in sharciga la meel-mariyey sanadkii 2020 uu yahay mid lagu muran san yahay isla markaana aan dalka lagu dhaqi karin waxaana lagu yiri:

Si kastaba ha ahaatee, xeerka shidaalka Soomaaliyeed ee 2020-ka ee lagu muransan yahay wuxuu jebinayaa qodobada 44, 51, 53 iyo 54 ee dastuurka federaalka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ee 2012.

Qoraalka caawa oo khamiis ah ka soo baxay Puntland ayaa lagu qeexay habka ay tahay in loo maro heshiisyadan:

Horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya waa in lagu hormariyaa hab-raacyada dastuurka KMG ah ee dowladda federaalka, lana waafajiyo dastuurka dowlad goboleedyada.

Puntland ayaa qoraalkeeda baaq ugu dirtey saaxiibada caalamka, waxaana lagana codsadey in ay taageeraan ku dhaqanka sharciga:

Saaxiibada caalamku waa inay taageeraan ku dhaqanka dastuurka federaalka ku-meel-gaarka ah, heshiisyada sharciga ah iyo qaab-dhismeedkooda, kuwaas oo uu door muhiim ah ku lahaa dhismihiisa.

Ugu danbeyntii ayaa Puntland sheegtey tallaabada ay qaadeyso waxaana ay tiri:

“….Dawladda Puntland si duuduub ah qayb uga noqon mayso hannaankan sharci-darrada ah, sidaas darteed, waxay Puntland xaq u leedahay in ay ka baxdo hawlaha dowladdu waddo ee ku aadan shidaalka, ilaa la gaarayo wadatashi ku aadan lahaanshaha, maamulka, iyo wadaagga dakhliga ee kheyraadka dabiiciga ah ee DFS iyo dowladaha xubnaha-….”

Sanadkii 2020 ayaa Puntland ka hor timid sharciga shidaalka oo markaas baarlamaanku meel mariyey Akhri qoraalkii 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *