Puntland oo Cadaysay Mowqifkeeda Sharciga Shidaalka

Published: January 10, 2020

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu cadeeyay mowqifka rasmiga ah ee dowladdu ka taagan tahay hindise sharciyeedka batroolka kaasi oo ay ansixiyeen labad aqal ee barlamaanka federaalka.

Puntland waxay sheegtay in hindise sharciyeedku uusan waafaqsanayn mabaa’diida ku xusan dastuurka ku-meel gaarka ee dowladda federaalka Gaar ahaan qodobadiisa 51,52,53 iyo 54aad.

Sharcigan wuxuu ka soo horjeedaa heshiiskii lahaanshaha, maamulka iyo maamulka dakhliga khayraadka dabiiciga ah ee lagu gaaray shirkii gollaha iskaashiga maamul goboleedyada ee qabsoomay 5 June 2018″ ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxtooyada

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in Puntland aysan qayb ka noqon doonin dhaqangelinta sharcigaas ilaa iyo inta wadahadal iyo wadatashi laga yeelanayo sharciga, waxayna soo saareen 3 qodob.

  1. In Puntland soo dhaweynayso in khayraadka dalka lala soo baxo iyadoo loo marayo hab sharci ah oo si cad u qeexaya cidda leh khayraadka, cidda maamulaysa iyo habka loo qaybsanayo si looga fogaado khilaaf iyo dhibaato ka dhalata soo saarista khayraadka
  2. In labada aqal ee barlamaanku ku ansixiyeen hab aan waafqsanayn sharciga iyo hannaanka daahfuraanta wadashaqaynta, latashiga dadweynaha kuwaas oo lagama maarmaan u ah samaynta sharciyada ka hor intaan labada aqal ansixin
  3. Dowladda Puntland qayb Kama noqon doonto dhaqan galinta sharcigaas, ilaa inta wadahadal iyo wdatashi ku saabsan xeerkaas ay isaga imaanayaan madaxda dowladda xubnaha ka ah iyo dowladda federaalka si meesh alooga saaro qodobada kasoo horjeeda dastuurka dalka iyo hannaanka federaalka ee dalka, waxayna ku dhaqmi doontaa awoodaha uu u oggol yahay dastuurka Puntland si waafqsan qodobka 142aad ee dastuurka ku-meel gaar aha ee Federaalka

AKHRISI QORAALKA MADAXTOOYADA

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *