Puntland oo war ka soo saartey amarkii Muqdisho ee xiritaanka baraha bulshada

Published: August 23, 2023
Shares4

Wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa saxaafadda kula hadley magaalada Garoowe. Wasiirka ayaa shegay in todobaadkii hore Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu dhegaystey xeerka isgaarsiinta ee Puntland oo hadda loo gudbinaayo baarlamaanka, isla shirkaas ayaa la isla qaatey in xeerka baraha bulshada laga dhigo mid gooni ah, dhawaana uu soo baxayo.

Sidaas darteed, ayuu yiri wasiirku Puntland waxay leedahay shuruuc iyo xeerar u gaar ah, kuwaas ayaana lagu dhaqaa shirkadaha iyo bulshada halkan. “…Amarada ka imaanaya Muqdisho ma khuseeyo shirkadaha ganacsi ee Puntland, umana hoggaansami karaan…..” ayuu yiri isaga oo ka jawaabaya go’aankii wasaaradda isgaarsiinta Puntland ay ku amreen in la xiro TikTok iyo Telegram.

Maxamuud Caydiid Dirir Wasiirka warfaafinta iyo isgaarsinta ayaa sheegay in wixii dhib ku ah bulshada ay ka qabanayaan sida baraha lacagaha lagu khamaaro la geliyo, laakiin loo maraayo shuruuc ay Pntland leedahay.

Golaha shacabka JamhJaamac Xassan Khaliifuuriyadda Federaaliga ah ayaa u yeeray wasiirka isgaarsiinta ee xukuumadda federaalka ah si wax looga weydiiyo go’aan aanu kala tashan xukuumadda inteeda kale iyo Raysalwasaaraha uu iska gaarey amarna siiyey ilaa 14 shirkadood oo ISP ah in ay xiraan TikTok iyo Telegram kuwaas oo ay a mid yihiin kuwo ka shaqeeya Puntland iyo Somaliland.

Horseed Media