Published: February 11, 2020
by: Horseed Staff
Puntland ayaa war-saxafadeed kasoo saartay mawqifkooda ku aadan sharciga Batroolka ee dhawaan uu ansixiyay Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, Puntland waxa ay sheegtay in sharcigaan uu kasoo hor-jeedo Dastuurka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
Puntland waxay sheegtay waxay shirkadaha Batroolka uga digtay in ay u hanqal-taagaan khayraadka deegaanadeeda ceegaaga, Ugu danbayn waxay maamulada dalka ugu baaqday in ay ka wada-tashtaan masaalixdooda.
Horseed Media, 2020