Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa dalalka reer Galbeedka ku eedeeyey weerarka kadiska ah oo ay kusoo…
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa dalalka reer Galbeedka ku eedeeyey weerarka kadiska ah oo ay kusoo qaaday Ukraine.
Ciidamada Ukraine ayaa maalmihii lasoo dhaafay qabsaday qeybo kamid ah gobalka Kursk ee koonfurta dalka Ruushka.
Ugu yaraan 28 tuulo oo ku yaal gobalka Kursk ayey hada gacanta ku hayaan ciidamada Ukraine.
Ruushka oo ay kadis ku noqotay weerarkan ciidamada Ukraine ayaa wada dadaal oo uu ciidamo dheeraad ah ku geenayo gobalkaasi.
In ka badan 70-kun oo shacab oo ku nool koonfurta gobalka Kursk ayey ciidamada Ruushka ka daad-gureeyeen goobaha ku dhaw aaga dagaalka.
Madaxweyne Putin oo shalay kulan xasaasi ah la yeeshay Golihiisa Amniga ayaa wacad ku maray inay jawaab adag ka bixin doonaan weerarkan.
Putin ayaa ku eedeeyey reer Galbeedka gacanta siinaya Ukraine, inay doonayaan inay khal khal iyo cabsi ku abuuraan shacabka Ruushka.
Horseed Media